Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Hay’adda Iskaashiga iyo Horumarinta Turkiga (TİKA) qalab muhiim ah oo lagu taageerayo iyo lagu casriyeynayo howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Qalabkan la wareejiyay ayaa isugu jira qalab xafiiseed elektaroonig ah, oo ay ka mid yihiin kombiyuutarro iyo shaashado waaweyn (TV), kuwaas oo lagu qalabayn doono dhismaha cusub ee Wasaaradda si loo xoojiyo hufnaanta shaqada, loona dardargeliyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Munaasabadda lagu wareejinayay qalabkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Hay’adda TİKA ee Soomaaliya, Zafer Eski, kaas oo si rasmi ah Wasaaradda ugu wareejiyay agabkan, isagoo xusay in uu yahay qayb ka mid ah taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda iyo adeeg bixinta.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda TİKA taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo sheegay in qalabkan uu ka mid yahay codsi ay Wasaaraddu horey u gudbisay intii lagu guda jiray kulan uu Wasiirku magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynaha TİKA, Abdullah Eren.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in qalabkan uu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta maamulka Wasaaradda, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo dardargelinta adeegyada lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay in uu gacan ka geysan doono hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo xaqiijinta isku filnaanshaha cuntada.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa sheegtay in iskaashiga ay la leedahay TİKA uu yahay mid muhiim ah oo si toos ah uga qeyb qaadanaya dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada dowladda, iyadoo la rajeynayo in taageeradan ay sii ballaarato mustaqbalka si loo gaaro horumar waara oo dhinaca beeraha ah.