Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo si isku mar ah uga bilowday degmooyinka kala duwan ee maamulkaasi.
Munaasabadda daah-furka imtixaanaadka ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, golayaasha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed, Wasiirka Waxbarashada, maamulka Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin, maamulayaasha dugsiyada iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo fidinta adeegyada waxbarasho ee deegaannada Koonfur Galbeed. Waxay xuseen in qabsoomidda imtixaanaadka shahaadiga ah ay muujinayso horumarka laga sameeyay nidaamka waxbarashada iyo dadaalka lagu xaqiijinayo in ardaydu helaan waxbarasho tayo leh oo waafaqsan heerarka qaran.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ardayda u fariisanaysa imtixaanaadka ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaalkooda, kartidooda iyo aqoontii ay soo barteen muddadii ay waxbarashada ku jireen. Wuxuu ardayda u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan, isagoo ku boorriyay inay si kalsooni leh uga jawaabaan imtixaanaadka.
“Waxbarashadu waa furaha horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya. Waxaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, ku dhiirrigelinayaa inay dadaalkooda laba jibbaaraan si ay u gaaraan himilooyinkooda waxbarasho,” ayuu yiri Hoggaamiyuhu.
Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta kaalinta ay ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaanaadka. Wuxuu xusay in wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo qoysaska ay tahay tiirka lagu gaari karo horumar waara oo dhinaca waxbarashada ah.
Dhankiisa, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay dhammaan agabkii iyo qorshayaashii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda imtixaanaadka, si loo xaqiijiyo hufnaan, cadaalad iyo amni inta lagu guda jiro imtixaannada. Wuxuu tilmaamay in imtixaanaadku ay ka socdaan dhammaan degmooyinka maamulka, iyadoo la adkeeyay habraacyada lagu ilaalinayo tayada iyo kalsoonida nidaamka imtixaanaadka.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa mar kale xaqiijisay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, korna loogu qaadayo tayada adeegyada waxbarasho ee ay helaan ardayda. Dowladda ayaa sheegtay in maalgashiga waxbarashadu uu yahay mid ka mid ah mudnaanta ugu sarreysa ee maamulka, maadaama uu saldhig u yahay horumarka bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.
Daah-furka imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Koonfur Galbeed kordhisay dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha waxbarasho, iyadoo la hiigsanayo in la helo jiil aqoon leh oo door muuqda ka qaata horumarka, nabadda iyo mustaqbalka Soomaaliya.