Taliyaha NISA Mahad Salaad Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Mudug

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Mahad Mohamed Salad, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka jirta maamulka Galmudug State iyo geeddi-socodka doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan maamulkaasi.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimaha la xiriira xasilloonida siyaasadeed, midnimada bulshada iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo hufan, daahfuran isla markaana ka tarjumaya rabitaanka shacabka Galmudug. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo wadajirka bulshada inta lagu jiro marxaladaha siyaasadeed ee soo socda.

Taliye Mahad Salaad ayaa dhankiisa tilmaamay in wada-tashiga iyo iskaashiga bulshada ay laf-dhabar u yihiin geeddi-socod kasta oo lagu xaqiijinayo xasillooni iyo horumar waara. Wuxuu xusay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada iyo taageeridda hannaan doorasho oo lagu wada kalsoon yahay.

Dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ayaa ugu dambeyn isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka Galmudug, xoojinta wadajirka bulshada iyo qabsoomidda doorasho hufan oo ka turjumeysa rabitaanka shacabka, taas oo gacan ka geysan karta xasilloonida iyo horumarka maamulka Galmudug.