Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Hassan Aden, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Egypt u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Mohamed Karim Sherif, iyadoo labada dhinac ay yeesheen kulan lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kalluumeysiga, kheyraadka badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, kuwaas oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika iyo kheyraad badeed ballaaran oo u baahan in si hufan looga faa’iideysto. Wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, maadaama uu yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha dalka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Masar ee dhinacyada maareynta kheyraadka badda, kobcinta wax-soo-saarka kalluumeysiga, tababarrada farsamada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha badda.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi istiraatiiji ah oo waara, kaas oo horseeda maal-gashi wadajir ah, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo in la abuuro fursado cusub oo dhaqaale oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjire Maxamed Kariim Sherif ayaa muujiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Egypt ee Soomaaliya, Mohamed Salah, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dowladood.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo horumariyo kheyraadka badda, loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, taas oo door weyn ka qaadan karta horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.