Munaasabad Xil Wareejin Ah Oo Ka Dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Yusuf Ali Mohamed, ayaa maanta guddoomiyay munaasabad rasmi ah oo xil wareejin ah, taas oo lagu kala wareejinayay xilka Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda ayaa waxaa xilka si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha cusub ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta, Ibrahim Aden Ibrahim, halka uu xilka ka wareejiyay Agaasimihii hore, Dr Abdinafiq Ahmed Abdullahi.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed, ayaa bogaadiyay shaqadii iyo dadaalladii uu qabtay agaasimihii hore muddadii uu xilka hayay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay horumarinta howlaha shaqaalaha iyo taakuleynta ciidamada. Sidoo kale, wuxuu Agaasimaha cusub u rajeeyay guul iyo in uu sii ambaqaado howlaha muhiimka ah ee horyaalla waaxda uu hoggaamin doono.

Agaasimaha cusub, Ibraahim Aadan Ibraahim, ayaa ballanqaaday inuu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, islamarkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta nidaamka shaqaalaha, horumarinta adeegyada taakuleynta iyo taageeridda howlaha ciidamada qalabka sida.

Dhankiisa, Agaasimihii hore Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo shaqaalaha wada-shaqeynta ay la yeesheen muddadii uu xilka hayay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii taageero dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay joogteynta shaqada, isla xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda Gaashaandhigga si loo xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliyeed.