Wasiir Fiqi Oo Qaabilay Mas’uul Sare Oo Ka Socday Dowladda Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Egypt u qaabilsan Arrimaha Afrika, Mohamed Karim Fouad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal. Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay qiimeyneyso kaalinta Masar ee taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.

Dhankiisa, Maxamed Kariim Fu’aad ayaa muujiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo dan wadaag.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha guud ee gobolka, muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood si loo gaaro horumar, amni iyo xasillooni waarta.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Masar ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhinacyada istiraatiijiga ah ee ay wadaagaan.