Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa furay kalfadhigii labaad (Q2) ee Kulanka Saddex-bille ah ee Kooxda Farsamada Qaran ee U Diyaargarowga Musiibooyinka (NTWGAA), kaas oo looga hadlay xoojinta awoodda hay’adaha dowladda iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dhinacyada ku lugta leh ka-hortagga iyo u diyaargarowga musiibooyinka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo maareynta khataraha musiibooyinka. Ajandaha kulanka waxaa daadihinayay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA.
Masuuliyiinta ka qeyb gashay kulanka ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha qaran ee ka-hortagga musiibooyinka, loo xoojin lahaa isku-duwidda hay’adaha ay khuseyso, isla markaana loo dardargelin lahaa tallaabooyinka hore ee lagu yaraynayo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadamku sababo ee ku soo noqnoqda dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda xogta saxda ah, saadaasha cilmiyeed iyo qorsheynta hore si loo helo nidaam wax ku ool ah oo lagu wajaho xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha fatahaadaha, abaaraha, duufaannada iyo khataraha kale ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.
Gabagabadii, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso maareynta musiibooyinka, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo si wanaagsan ugu diyaar garowda khataraha iman kara, loona hagaajiyo jawaab-celinta degdegga ah marka ay dhacaan musiibooyinka.