Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka IORA

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (IORA), isagoo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla dalalka xubnaha ka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.

Masuuliyiinta ka qayb galaysay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta gobolka, kor loogu qaadi lahaa amniga badaha, loona xoojin lahaa dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha wadajirka ah ee saameeya dalalka xubnaha ka ah ururka.

Kulanka ayaa lagu diyaarinayaa talooyin iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono shirka Golaha Wasiirrada ee dalalka xubnaha ka ah IORA, si loo sii xoojiyo iskaashiga gobolka loona hormariyo qorshayaasha la xiriira koboca dhaqaalaha buluugga ah, ganacsiga, ilaalinta deegaanka badda iyo horumarinta bulshada.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee ay dalka ku leedahay madallada gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya.