Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Kulanka Dardargelinta Sanduuqa Horumarinta Puntland (PDF)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulankii billaha ahaa ee lixaad, kaas oo diiradda lagu saaray dhamaystirka aasaaska, dardargelinta iyo naqshadaynta Sanduuqa Horumarinta Puntland (Puntland Development Fund – PDF).

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo khubaro ku howlan hirgelinta sanduuqan, iyadoo si gaar ah looga dooday hannaanka maamulka, qaab-dhismeedka iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo in sanduuqu noqdo mid wax ku ool ah oo taageera mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha lagu dhisayo sanduuqa, si uu u noqdo aalad lagu maalgeliyo mashaariicda mudnaanta leh ee la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa adkeeyay in Sanduuqa Horumarinta Puntland uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, xoojinta awoodda hay’adaha dowladda iyo hirgelinta mashaariic waara oo wax ka tari kara baahiyaha bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ku lugta leh sanduuqa iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu dhamaystirayo aasaaskiisa, si uu u noqdo mid si rasmi ah u howl gala ugana qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Puntland.