Wafdi ka kooban xubno ka kala socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, Aguila Saleh Issa.
Kulanka ayaa si weyn diiradda loogu saaray xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dowladda Liibiya iyo xarumo sharci-darro ah oo lagu hayo, kuwaas oo la sheegay inay wajahayaan duruufo adag iyo dhibaatooyin bani’aadannimo. Wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku xanniban, iyagoo codsaday in loo helo daryeel degdeg ah iyo xal waara oo lagu badbaadinayo.
Xubnaha wafdiga ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhallinyaradaasi ay ku nool yihiin xaalado adag oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dib loogu soo celiyo dalkooda si ay ula midoobaan qoysaskooda una helaan taageerada ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, Caqiila Saalax Ciise, ayaa si diirran u soo dhaweeyay codsiga wafdiga Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in arrintaas mudnaan gaar ah la siin doono. Waxa uu sheegay inuu samayn doono guddi baarlamaani ah oo si dhow ula socda xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo, si loo helo xalal wax ku ool ah oo lagu yareynayo dhibaatooyinka ay la kulmaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, kormeerka iyo is-dhaafsiga khibradaha. Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta baarlamaannada ee gobolka Afrika iyo Aasiya.