Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Ali Abdullahi Hussein, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabeelle (2026–2030), kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle.
Qorshahan ayaa lagu hagayaa jihada horumarineed ee dowladda shanta sano ee soo socota, iyadoo xoogga la saarayo isla-xisaabtanka, hufnaanta maamulka, tayeynta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah. Qorshuhu wuxuu sidoo kale saldhig u noqon doonaa dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday World Bank, iyo masuuliyiin ka socday United Nations, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada lagu diyaariyay qorshahan muhiimka ah.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Hirshabeelle, isla markaana dowladda ay ka go’an tahay in si dhab ah loo fuliyo qodobada ku xusan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la xoojin doono isla-xisaabtanka iyo la socodka waxqabadka hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo in qorshuhu gaaro yoolalkii loo dejiyay.
“Waxaan rabnaa in qorshahan loo fuliyo sidii loo qoray. Waxaa jiri doona isla-xisaabtan dhab ah oo dhex mara dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso. Waxaan ku boorrinayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka Hirshabeelle,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si rasmi ah u saxiixay Buugga Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabeelle (2026–2030), isagoo ku tilmaamay tiir muhiim u ah horumarka, xasilloonida, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle. Qorshahan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo sare u qaadidda tayada nolosha shacabka muddada shanta sano ee soo socota.