Maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimid war-saxaafadeedkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland, isagoo ku tilmaamay eedeymahaasi kuwo marin habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqada jirta.
Qoraal ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in maamulkaasi leeyahay hay’ado dowladeed, sharciyo iyo nidaam maamul oo si madax-bannaan u shaqeynayay muddo ka badan soddon sano. Somaliland ayaa ku dooday in xiriirrada ay la yeelato dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay ku dhisan yihiin danaha ay u aragto kuwo qaran, amniga gobolka iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale.
Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale adkeeyay in uu sii wadi doono xiriirrada uu la leeyahay beesha caalamka, isaga oo sheegay in go’aannadiisa siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo uu si madax-bannaan u qaato.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Somaliland aysan aqbali doonin waxa ay ku tilmaantay faragelin dibadeed ama cadaadis lagu saaro xiriirradeeda caalamiga ah, iyadoo ku celisay mowqifkeeda ku aaddan difaaca danaha siyaasadeed iyo amni ee ay aaminsan tahay.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo iyo is-weydaarsi siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsan arrimaha diblomaasiyadda, xiriirrada caalamiga ah iyo mustaqbalka wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac.