Xoghayaha Guud ee Ahmed Aboul Gheit ayaa si kulul u cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay magaalada Quddus, iyo furitaanka dhisme lagu tilmaamay “safaarad”.
Arab League ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid ka hor imaaneysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aysan lahayn wax sharciyad ah oo caalami ah.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu adkeeyay in falkaasi uu yahay mid keeni kara muran diblomaasiyadeed, isla markaana aan la jaanqaadi karin mabaa’dii caalamiga ahayd ee ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, Jaamacadda Carabta ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah inay si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan xasilloonida iyo sharciga caalamiga ah.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha caalamiga ah ee la xiriira tallaabada la sheegay in ay qaaday Somaliland iyo saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee gobolka.