Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Hon. Mohamud Abdirahman Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka cusub ee UNFPA ee Soomaaliya, Mudane Judicael Elidje.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNFPA, gaar ahaan taageerada hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimaha dadka iyo horumarka, xogta tirakoobka iyo demografiyada, awood-siinta dhalinyarada, horumarinta haweenka, iyo kobcinta karaanka aadanaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in arrimaha dadka iyo horumarka si buuxda loogu daro qorsheynta qaranka, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta nidaamyada xogta iyo tirakoobka si go’aan-qaadashada dowladda ay ugu dhisnaato xog iyo caddayn sax ah.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dadaallada lagu dhisayo Waaxda Dadweynaha iyo Horumarka, taas oo lagu taageerayo qorsheyn waxtar leh oo ka jawaabeysa baahiyaha bulshada.
Wasaaradda Qorsheynta ayaa uga mahadcelisay UNFPA taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda sii xoojinta iskaashiga lagu taageerayo himilooyinka horumarineed ee dalka iyo horumar waara oo ay Soomaaliya gaarto.