SoDMA iyo Dowladda Masar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Gurmadka iyo Maareynta Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Maxamed Kariim Fu’aad, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada, maareynta musiibooyinka dabiiciga ah, iyo horumarinta awoodaha hay’adaha ka shaqeeya samatabbixinta iyo gurmadka degdegga ah.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa wafdiga Masar warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, caqabadaha ka dhashay abaaraha, daadadka iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sidoo kale dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso gurmadka iyo taageerada bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag.

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadan karo xoojinta awoodda hay’adaha gurmadka iyo maareynta musiibooyinka.

Dhankooda, mas’uuliyiinta dowladda Masar ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal, si loo horumariyo awoodda wax ka qabashada musiibooyinka, loo taageero bulshada nugul, loona xaqiijiyo gurmad degdeg ah oo wax ku ool ah marka ay dhacaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.