Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeerka Nadaafadda Gobolka Banaadir, kaas oo noqday xeerkii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu nidaaminayo arrimaha nadaafadda, maaraynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka ee caasimadda Muqdisho.
Munaasabad lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa lagu shaaciyey dhaqan-galka xeerkan cusub, kaas oo la filayo inuu saldhig sharci u noqdo dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda magaalada, kor loogu qaadayo bilicda caasimadda, isla markaana lagu xoojinayo ilaalinta caafimaadka bulshada iyo deegaanka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, ayaa sheegay in xeerkan uu soo maray geeddi-socod dheer oo isugu jiray daraasado, falanqeyn sharciyeed iyo wada-tashiyo ballaaran oo lala yeeshay hay’adaha dowladda, khubaro deegaanka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan sharci oo wax ku ool ah kana jawaaba baahiyaha sii kordhaya ee nadaafadda iyo maaraynta qashinka magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa tilmaamay in xeerkan uu muhiim u yahay hirgelinta qorshaha maamulka ee lagu dhisayo magaalo nadiif ah, bilicsan oo caafimaad qabta. Waxa uu ugu baaqay shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha dowladda inay si wadajir ah uga qeyb qaataan dhaqan-gelinta iyo ku dhaqanka qodobbada xeerka si loo gaaro natiijooyin waara.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xusay in xeerkan uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta deegaanka iyo yareynta dhibaatooyinka ka dhasha qashinka iyo wasakheynta deegaanka, isagoo ballanqaaday in wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyn doonto Maamulka Gobolka Banaadir si loo xaqiijiyo fulintiisa.
Sidoo kale, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha garsoorka, oo ay ku jiraan Maxkamadaha Gobolka Banaadir, Xeer-Ilaalinta iyo Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay doorkooda ka qaadan doonaan dhaqan-gelinta xeerkan, si loo xaqiijiyo in si siman loo fuliyo qodobadiisa loogana miro dhaliyo dadaallada lagu hagaajinayo muuqaalka iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.
Munaasabadda saxiixa xeerkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimayaal, Odayaal Dhaqameedyo, Culimaa’udiin, Haween, Bulshada Rayidka ah, wakiillo ka socday shirkadaha nadaafadda iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Xeerkan cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda, iyadoo la rajeynayo inuu horseedo magaalo nadiif ah, deegaan caafimaad qaba iyo bulsho si weyn uga warqabta muhiimadda ilaalinta deegaanka.