Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay aqoon-isweydaarsi farsamo iyo wadatashi ah oo muhiim u ah diyaarinta Istaraatiijiyadda Haweenka iyo Dhallinyarada ku Hawlan Beeraha Soomaaliya ee muddada 2025–2029.
Kulankan muhiimka ah ayaa isu keenay khubaro iyo daneeyayaal kala duwan oo ka kala socday hay’adaha dowladda, ururrada beeraleyda, hay’adaha horumarinta, iyo wakiillo matalaya haweenka iyo dhallinyarada ku hawlan wax-soo-saarka beeraha. Sidoo kale waxaa ka qaybgalay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ay ka mid yihiin WFP, FAO, UN Women, UNIDO, Shaqodoon iyo CARE International, kuwaas oo door muuqda ka qaata taageerada horumarinta beeraha iyo xoojinta awoodda bulshada Soomaaliyeed.
Ujeeddada aqoon-isweydaarsigan ayaa ah in la helo talooyin, fikrado iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ka imanaya dhammaan daneeyayaasha, si loo diyaariyo istaraatiijiyad dhammaystiran oo si gaar ah diiradda u saarta kobcinta kaalinta haweenka iyo dhallinyarada ee horumarinta beeraha dalka. Istaraatiijiyaddan ayaa la doonayaa inay noqoto mid ka jawaabta baahiyaha jira, isla markaana abuurta jawi dhiirrigeliya hal-abuurka, shaqo-abuurka iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.
Intii uu socday furitaanka shirka, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay haweenka iyo dhallinyaradu u leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka iyo horumarinta waaxda beeraha. Wasiirku wuxuu xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka kooxahan muhiimka ah, loona abuuri lahaa fursado u saamaxaya inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan wax-soo-saarka iyo sugnaanta cunnada dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in istaraatiijiyaddan cusub ay door weyn ka qaadan doonto kor u qaadista xirfadaha farsamo ee haweenka iyo dhallinyarada, fududeynta helitaanka agabka iyo khayraadka wax-soo-saarka, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga beeraha, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladda, hay’adaha horumarinta iyo bulshada beeraleyda ah.
Waxaa la filayaa in aqoon-isweydaarsigan uu horseedo diyaarinta Istaraatiijiyadda Haweenka iyo Dhallinyarada ku Hawlan Beeraha Soomaaliya (2025–2029), taas oo wax ka qaban doonta caqabadaha ay la kulmaan haweenka iyo dhallinyarada beeraleyda ah, sida helitaanka maalgelinta, tababarrada xirfadeed, suuqyada iyo tiknoolajiyada casriga ah. Sidoo kale, istaraatiijiyaddan ayaa lagu talagalay inay kor u qaaddo awooddooda hoggaamineed, ka qaybgalka go’aan qaadashada iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta waarta ee beeraha Soomaaliya.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa adkaynaysa sida ay uga go’an tahay hirgelinta siyaasado iyo qorshayaal horseedaya koboc waara, kor u qaadaya wax-soo-saarka gudaha, isla markaana xoojinaya kaalinta haweenka iyo dhallinyarada oo laf-dhabar u ah horumarka dhaqaalaha iyo xaqiijinta isku filnaanshaha cuntada ee Soomaaliya.