IGAD oo Xaqiijisay Taageerada ay u Hayso Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Xoghaynta Ururka Iskaashiga Dowladaha Bariga Afrika (IGAD) ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku salaynaysa mabaadi’da ku xusan Heshiiska IGAD, Axdiga Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Bayaan ay soo saartay Xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu la socdo wararka la xiriira sheegashada ku saabsan furitaanka xafiis diblomaasiyadeed ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ku yeelanayaan magaalada Quddus, iyadoo IGAD ay markale si cad u adkaysay mowqifkeeda soo jireenka ah ee ku salaysan ixtiraamka buuxa ee midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghaynta ayaa muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo xustay in falalka noocaas ahi ay halis gelin karaan xasilloonida gobolka, isla markaana ay horseedi karaan xiisado siyaasadeed iyo caqabado cusub oo saameyn ku yeesha dadaallada nabadda iyo iskaashiga dalalka gobolka.

Sidoo kale, IGAD ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la dhowro mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo heshiisyada gobolka, iyadoo ku baaqday in dhammaan dhinacyadu ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xasarado ama dhaawici karta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa dalalka Geeska Afrika.

Bayaanka ayaa mar kale muujinaya mowqifka joogtada ah ee Ururka IGAD ee taageerada buuxda u ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ah tiirarka muhiimka u ah nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka.