Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay si gaar ah uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, maalgashiga iyo hirgelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan kara kobcinta adeegyada bulshada iyo horumarka deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay dowladdaasi la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista fursadaha shaqo-abuurka ee bulshada.
Dhankiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) doorashadii dib loogu doortay hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo xaqiijiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Danjire Wang Yu ayaa sidoo kale muujiyey diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo wax ka tari kara kobaca dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, isla markaana ku soo jiidanayso maalgashiyo iyo mashaariic horumarineed oo gacan ka geysan kara dib-u-dhiska, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo fursado nololeed oo wanaagsan oo ay helaan shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.