Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS).
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nololeed ee carruurta Soomaaliyeed, heerka saboolnimada, iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyadoo la isku dayay in laga helo xog iyo falanqayn dhab ah oo saldhig u noqota qorsheynta barnaamijyada horumarineed ee lagu beegsanayo carruurta nugul. Waxa uu shirka isu keenay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo shirka ka hadlay, ayaa si gaar ah u xusay in saboolnimada carruurta ay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee saameeya mustaqbalka dalka, isla markaana ay si toos ah u taabaneyso horumarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in helitaanka xog sax ah oo cilmiyeed ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo siyaasado wax ku ool ah oo lagu yareeyo saboolnimada iyo nuglaanta carruurta.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale adkeeyay in loo baahan yahay qorsheyaal mideysan oo ay iska kaashadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu hagaajinayo xaaladda carruurta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo ilaalinta bulshada, si loo yareeyo saameynta saboolnimada iyo xaaladaha bani’aadannimo ee soo noqnoqda ee saameeya carruurta Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo horseedi kara in si dhab ah loo fahmo xaaladda carruurta dalka, loona dejiyo siyaasado iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo wax ka beddela noloshooda mustaqbalka fog.