Puntland oo Sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka aan Lagu Arki Karin Deegaannadeeda

Maamulka Puntland ayaa si cad u shaaciyay in aan la oggolaan doonin joogitaanka ama dhaqdhaqaaqa ciidamo ka tirsan Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya gudaha deegaannada maamulkaasi, iyagoo adkeeyay in maamulka amniga iyo ciidamada ee Puntland uu ku saleysan yahay nidaamka iyo go’aannada u gaarka ah ee u degsan Dowlad Goboleedka.

Mowqifkan ayaa yimid xilli maalmihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya wadday dadaallo iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira dib u howlgelinta iyo abaabulka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hore ugu sugnaa deegaannada Puntland. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku adkeystay in arrimaha la xiriira ciidamada iyo amniga ay tahay in lagu saleeyo wada-tashi iyo is-afgarad dhexmara labada dhinac, iyagoo xusay in aan la aqbali doonin wax tallaabo ah oo aan waafaqsaneyn habraacyada iyo heshiisyada jira.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in amniga iyo xasilloonida deegaannadeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka, kuwaas oo muddooyinkii dambe waday howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada iyo falalka amni-darrada ah. Maamulka ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ay siinayaan ilaalinta amniga iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo khataraha amni ee ka jira gobolka.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin nidaamka federaalka, hannaanka doorashooyinka iyo qaybsiga awoodaha, iyadoo arrimahaasi ay saameyn ku yeesheen wada-shaqeyntii labada dhinac.

Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa la filayaa inuu sii huriyo doodaha ku saabsan wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed oo u baahan iskaashi iyo wadajir qaran.