Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo Saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Islamic Development Bank, Dr. Muhammad Al Jasser, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) ee sannadaha 2026–2028.

Heshiiskan istaraatiijiga ah ayaa hagaya iskaashiga maalgelineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka saddexda sano ee soo socota, isaga oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha dalka.

Qaab-dhismeedka cusub wuxuu diiradda saarayaa laba tiir oo waaweyn:

Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.
Xoojinta horumarinta awoodda aadanaha, iyada oo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo haweenka iyo dhallinyarada.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskani uu sii xoojinayo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kooxda IsDB, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo saameyn togan ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.