Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee sannadka 2026, isaga oo sidoo kale soo xiray Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Dhexe ee dalka. Munaasabaddan ayaa muujinaysa muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso horumarinta waxbarashada iyo dhismaha jiil aqoon leh oo horseeda horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay kobcinta waxbarashada, iyadoo maalgashi ballaaran ku samaysay qaybaha kala duwan ee tacliinta. Wuxuu xusay in dowladda ay juhdi iyo dadaal badan gelisay sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada iyo sidii loo xaqiijin lahaa mustaqbal ifaya oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo laf-dhabar u noqon doona horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in himilooyinka fog ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ay saldhig u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka, casriyeynta nidaamyada waxbarashada iyo dib-u-habaynta shuruucda la xiriirta tacliinta. Waxa uu sheegay in qorshayaashan ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu dhisayo nidaam waxbarasho oo casri ah, tayo leh, isla markaana la jaanqaadi kara horumarka caalamka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu aysan ahayn oo keliya waddada lagu gaaro guul iyo horumar shaqsiyeed, balse ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu dhiso awoodda iyo horumarka Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in muhiimadda waxbarashada ay si weyn ugu cadahay diinta Islaamka, maadaama Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH) ay si joogto ah u dhiirrigeliyaan barashada cilmiga iyo kor u qaadidda aqoonta bulshada.
“Waxbarashadu ma aha waddada guusha oo keliya, balse waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed. Waa tiir adag oo diin ahaan muhiimad gaar ah leh, maadaama Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH) ay ina tusayaan mudnaanta weyn ee ay leedahay in ubadka Soomaaliyeed la baro cilmiga iyo aqoonta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hambalyo iyo dhiirrigelin u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sannadkan u fariisanaysa Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare. Wuxuu ku boorriyay inay muujiyaan dadaal, adkaysi iyo kalsooni, si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan oo u horseeda mustaqbal wanaagsan. Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaalka ay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada dugsiyadu ku bixiyeen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaannada qaran.
Ugu dambeyn, munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa ka tarjumaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta waxbarashada, tayeynta nidaamka tacliinta iyo dhismaha jiil aqoon iyo karti leh oo door muuqda ka qaata horumarka, xasilloonida iyo mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya.