Madaxweynaha Hirshabeelle oo Furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa saakay si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee degmooyinka Dowladda Hirshabeelle. Furitaanka imtixaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada iyo kobcinta aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka dalka.

Sannadkan, imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Hirshabeelle waxaa u fariistay 4,134 arday, kuwaas oo isugu jira 1,596 wiil iyo 2,538 gabdhood. Tiradani waxay muujinaysaa kororka fursadaha waxbarasho iyo doorka muuqda ee gabdhuhu ku leeyihiin helitaanka aqoonta iyo ka qeyb qaadashada horumarka bulshada.

Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya 17 xarumood oo ku kala yaalla toddobada degmo ee Dowladda Hirshabeelle, kuwaas oo kala ah Jowhar, Beledweyne, Matabaan, Buulo-burde, Jalalaqsi, Balcad iyo Warsheekh. Dowladda Hirshabeelle iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa diyaariyey dhammaan agabkii iyo qorshayaashii lagama maarmaanka u ahaa sidii imtixaanku ugu qabsoomi lahaa jawi amni iyo xasillooni leh.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ardayda u diray farriin dhiirrigelin iyo duco isugu jirta, isagoo Alle uga baryey inuu u fududeeyo imtixaanka isla markaana uu siiyo guul iyo mustaqbal wanaagsan. Madaxweynaha ayaa xusay in waxbarashadu tahay hanti aan dhammaanayn, wuxuuna ardayda ku boorriyey inay ka miro-dhaliyaan dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen waalidiintooda, macallimiintooda iyo dhammaan dadkii taageeray himilooyinkooda waxbarasho.

“Rabbi ha idiin fududeeyo, mustaqbal ifaya ayaan idiin rajeynayaa. Waxbarashadu ma dhammaato, waana in laga miro-dhaliyo dadaalka ay idinku bixiyeen waalidiinta iyo cid kasta oo taageertay hankiina,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee sannadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u rajeeyey guul iyo natiijooyin wanaagsan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya iyo horumarka dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada, macallimiinta, waalidiinta iyo laamaha amniga dadaalka ay ka geysteen sidii ardaydu ugu geli lahaayeen imtixaanka jawi deggan oo ku habboon.