Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, kulan looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo qaab-dhismeedka shaqo ee labada xafiis.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow iyo isku-dubarid wax-ku-ool ah oo ka dhexeeya hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh arrimaha caafimaadka iyo ilaalinta sharciga. Intii uu socday kulanka, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud siiyey warbixin guud oo ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan Golaha, waajibaadkooda iyo doorka ay ku leeyihiin tayeynta adeegyada caafimaadka iyo horumarinta mihnadlayaasha caafimaadka ee dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay dadaallada ay hay’addu ku bixiso kor u qaadista heerarka xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dhankiisa, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah iyo isku-duwidda howlaha hay’adaha dowladda, isaga oo tilmaamay in iskaashiga noocan oo kale ahi uu door weyn ka qaato horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada.

Dr. Suleymaan ayaa sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha caafimaadka, isagoo xusay in wada shaqeyn dhow ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta adeegyo caafimaad oo hufan, ilaalinta tayada mihnadlayaasha caafimaadka iyo sare u qaadista mas’uuliyadda hay’adaha qaranka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda, si loo helo hannaan shaqo oo mideysan oo gacan ka geysta horumarinta adeegyada muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed iyo sare u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee dalka.