Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Shir Guddoomiyey Kulanka Hoggaanka CID

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta la dagaalanka dambiyada abaabulan iyo dardargelinta baaritaannada la xiriira falalka ka dhanka ah anshaxa bulshada.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xaaladda guud ee amniga, hababka lagu horumarin karo baaritaannada dambiyada iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu soo qabanayo kooxaha ku lugta leh falalka halista ku ah bulshada. Saraakiisha Hoggaanka Baarista Dambiyada ayaa warbixinno ka bixiyey hawlgallada socda iyo qorshayaasha lagu xoojinayo waxtarka baaritaannada iyo ururinta caddeymaha.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa saraakiisha baarayaasha faray inay mudnaan gaar ah siiyaan baaritaannada la xiriira dambiyada ka dhanka ah bulshada nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, isaga oo ku adkeeyey inay mar walba ilaaliyaan xuquuqda aadanaha iyo habraacyada sharciga inta lagu guda jiro baaritaannada.

Waxa uu tilmaamay in ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta in eedeysanayaasha loo maro waddo sharci ah ay saldhig u yihiin hirgelinta caddaaladda iyo kalsoonida bulshada ee hay’adaha amniga. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in baaritaannadu noqdaan kuwo hufan, degdeg ah oo ku saleysan caddeymo dhab ah si looga hortago dambiyada soo noqnoqda.

Taliyaha ayaa saraakiisha Hoggaanka CID ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ciribtirayo dambiyada abaabulan iyo falalka wax u dhimaya anshaxa bulshada, isagoo xusay in la dagaalanka dambiyada noocan ah ay muhiim u tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku xoojinayaan la dagaalanka dambiyada iyo horumarinta hababka baarista, si loo xaqiijiyo in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga iyo danaha bulshada, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo xuquuqda dadka nugul iyo dhowrista sharciga dalka.