Roobabkii ka Da’ay Muqdisho oo Hakad Geliyay Isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka da’ay roobab xooggan oo saameyn ballaaran ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo waddooyin badan oo muhiim ah ay noqdeen kuwo ay biyuhu fariisteen, taasoo caqabad ku noqotay dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah ee bulshada.

Roobka ayaa si gaar ah u saameeyay ardayda dugsiyada sare ee shalay u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, kuwaasi oo qaarkood ay ku adkaatay inay waqtigii loogu talagalay gaaraan xarumaha imtixaanka. Dib u dhac iyo daah ayaa laga soo sheegay qaar ka mid ah xarumaha, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ku hakadeen waddooyinka ay biyuhu xireen.

Qaar ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah magaalada ayaa la sheegay inay noqdeen kuwo ay adag tahay in la maro, taas oo keentay saxmad iyo hakad ku yimid isu socodka gaadiidka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in meelaha qaar ay biyuhu gaareen heer sare, taasoo keentay in dadka lugaynaya iyo gaadiidkuba ay wajahaan dhibaatooyin dheeraad ah.

Sidoo kale, roobka ayaa saameeyay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo biyaha ku fatahay qaybo ka mid ah waddadaasi ay sababeen in isu socodka halkaasi uu hakad galo. Dad badan oo u socday garoonka iyo kuwa ka imaanayay ayaa la kulmay dib u dhac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin saameynta uu arrintani ku yeeshay jadwalka duullimaadyada.

Dhanka kale, shacabka ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay khusayso inay dardargeliyaan dadaallada lagu furayo waddooyinka ay biyuhu xireen, isla markaana la helo xal waara oo looga hortago fatahaadaha soo noqnoqda ee xilliyada roobabka. Roobabka ayaa marar badan sababa in qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ay noqdaan kuwo aan la mari karin, taas oo saameyn ku yeelata adeegyada bulshada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay roobka iyo tallaabooyinka degdegga ah ee lagu xallinayo caqabadaha uu sababay.