Taliyaha Ciidanka XDS oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta, dib u dhiska iyo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee horyaalla Ciidanka, iyadoo xubnaha guddigu ay Taliyaha u soo bandhigeen warbixino iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa awoodda Ciidanka, loona dardargelin lahaa geeddi-socodka dib u dhiska iyo casriyeynta hay’adda difaaca qaranka.

Xubnaha Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda, oo isugu jira saraakiil sare oo door muuqda ka soo qaatay dib u aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaddib burburkii dowladdii dhexe, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka, si loo helo ciidan leh awood, aqoon iyo agab ku filan oo gudan kara waajibaadkiisa qaran.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa tilmaamay in dhismaha ciidan casri ah oo awood u leh difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo sugidda amniga guud uu yahay tiir muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Gabagabadii shirka, Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa guddiga faray inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ku bixinayaan daraasadaha, qorsheyaasha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo yoolalka mudnaanta leh ee la xiriira dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka, loona helo ciidan qaran oo awood u leh ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.