Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo arrimaha amniga dalka, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo helo isku-duwid wax ku ool ah oo lagu wajahayo caqabadaha amni ee jira.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya kulanka ayaa sidoo kale ka doodi doona qorshayaasha lagu dardargelinayo sugidda nabadgelyada, xoojinta iskaashiga hay’adaha ammaanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida guud ee dalka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in shirkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo wada-shaqeynta dhinaca amniga, iyadoo muddooyinkii dambe ay waday kulamo iyo qorsheyaal lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowlad-Goboleedyada.
Waxaa la filayaa in shirka uu ka soo baxo talooyin iyo go’aanno lagu xoojinayo isku-dubbaridka howlaha amniga, si loo kordhiyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga loogana miro dhaliyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.