Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo maanta shir-guddoomiyay Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon. Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada.

Fadhigan maanta ayaa qeyb ka ah kulamo joogto ah oo Golaha Wakiilladu ku dardar-gelinayaan howlaha sharci-dejinta, kormeerka iyo isla xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa si gaar ah diiradda u saaray sii wadista dhageysiga warbixinno muhiim ah oo ay soo diyaariyeen guddiyada joogtada ah ee Golaha, kuwaas oo ka shaqeeya dabagalka iyo qiimeynta howlaha hay’adaha dowladeed.

Intii uu fadhigu socday, Golaha Wakiillada waxaa warbixinno dhammaystiran ka hor jeediyay saddex guddi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada
Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda
Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Guddiyadan ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay shaqooyinkii ay qabteen muddadii u dambeysay, iyagoo soo bandhigay natiijooyinka kormeerro ay ku sameeyeen hay’adaha ay khuseyso, caqabadaha jira, iyo sidoo kale talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada dowladda iyo maamulka guud.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa iyaguna si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo su’aalaha la xiriira warbixinahaas, iyagoo guddiyada ka dalbaday faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimo muhiim ah sida amniga guud, hab-maamulka dowliga ah, iyo adeegyada bulshada. Doodaha Golaha ayaa lagu tilmaamay kuwo muujinaya feejignaan sare iyo rabitaan ku aaddan kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda.

Sidoo kale, xubnaha Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa guddiyada iyo hay’adaha fulinta, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada loona helo natiijooyin wax ku ool ah oo taabanaya nolosha shacabka Puntland.

Ugu dambeyn, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa qorsheynaya in ay sii wadaan dhageysiga warbixinada kale ee guddiyada haray ee Golaha, si loo dhameystiro ajandayaasha Kalfadhiga 58-aad, loona sii ambaqaado shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla Golaha, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta dowladnimada, amniga iyo adeegyada bulshada.