Madaxweynaha Galmudug oo Daah-furay Mashruuc lagu Xoojinayo Adeegyada Bulshada iyo Dowladaha Hoose

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuc horumarineed oo bulshada loogu talagalay, kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta adeegyada aas-aasiga ah iyo kor u qaadista awoodda dowladaha hoose ee deegaannada Galmudug.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu dardargeliyo horumarinta maamulka, kobcinta adeegyada bulshada iyo taageeridda dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan. Sidoo kale, wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa xoojinta adkeysiga bulshada iyo horumarinta dib u heshiisiinta, si shacabka Galmudug ay u helaan adeegyo hufan oo waxtar leh.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday Madaxtooyada Dowladda Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Galguduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay muhiimadda mashruucan uu u leeyahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowladaha hoose, iyagoo xusay in mashruucu uu kaalin muuqata ka qaadan doono sare u qaadista tayada adeegyada loo fidiyo shacabka iyo dhismaha maamullo awood leh oo si hufan ugu adeega bulshada.