Booliiska Garasbaaley oo Gacanta ku Soo Dhigay Laba Eedaysane oo Lagu Tuhunsan Yahay Faafinta Muuqaallo Anshax-Xumo ah

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa sii wada dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta qiyamka bulshada, iyagoo fulinaya hawlgallo lagu bartilmaameedsanayo falalka ka soo horjeeda dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada fuliyeen ayaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo lagu tuhunsan yahay inay si joogto ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu baahin jireen muuqaallo ay laamaha ammaanku ku tilmaameen kuwo ka hor imanaya anshaxa iyo qiyamka bulshada. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga, qabashada eedaysanayaashan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xakameynayo waxyaabaha saameynta taban ku yeelan kara bulshada, gaar ahaan dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah lagu hayo eedaysanayaasha, isla markaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loo waafajiyo sharciga dalka. Sidoo kale, waxay bulshada ugu baaqeen inay ka fogaadaan faafinta waxyaabaha dhaawici kara anshaxa iyo dhaqanka suuban, ayna laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo ilaalinta qiyamka bulshada.

Laamaha amniga ayaa xusay inay sii wadi doonaan hawlgallada noocan oo kale ah, iyagoo adkeeyay in cid kasta oo ku lug yeelata falal lid ku ah sharciga iyo anshaxa bulshada lala tiigsan doono tallaabooyinka uu sharcigu dhigayo.