Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS), halkaas oo ay diiradda ku saareen diyaar-garowga iyo ka-tashiga la xiriira furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad. Kulankan ayaa yimid xilli la filayo in Baarlamaanku dib u bilaabo shaqooyinkiisa dastuuriga ah, iyadoo la dardargelinayo howlaha muhiimka u ah dowladnimada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu socday kulanka, Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda uu leeyahay dib u furista Kalfadhiga 8-aad, si Baarlamaanku u sii wado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah. Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku leeyahay xoojinta dowladnimada, horumarinta hay’adaha dastuuriga ah, dejinta sharciyada lagama maarmaanka u ah dalka, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa sidoo kale isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad la shaacin doono maalmaha soo socda, marka la soo gabagabeeyo diyaar-garowga lagama maarmaanka ah iyo xaqiijinta in labada Aqal ay yeeshaan kooram buuxa oo suuragelinaya in shaqada Baarlamaanka si habsami leh ku bilaabato.
Waxaa kulanka lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay hoggaanka Baarlamaanka in si hufan, daahfuran iyo masuuliyad leh loo guto waajibaadka qaran ee saaran hay’adda sharci dejinta, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo howlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro kalfadhiga cusub.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghaye Ku-xigeenka Aqalka Sare BJFS, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-tashiyada iyo diyaar-garowga lagu wajahayo furitaanka kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.