Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Sare Cabdi Casiis Xuseen Maxamed (Military), ayaa booqasho dhiirrigelin iyo kormeer shaqo ku tagay Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab ee ku sugan deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa halkaas kula kulmay saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo ciidamada ururka, isagoo ku bogaadiyey heegankooda sare, dadaalkooda joogtada ah iyo guulaha ay ka gaareen hawlgallada lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Waxa uu xusay in ciidamada Danab ay door muhiim ah ka ciyaarayaan sugidda amniga dalka iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.
Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyey abaal-marinno iyo shahaado sharaf ciidamada iyo saraakiisha Ururka 161-aad, si loo aqoonsado dadaalkooda iyo gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu booqday Isbitaalka Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, kaas oo bixiya adeegyo caafimaad oo loo fidiyo ciidamada iyo bulshada deegaanka Bali-doogle. Isbitaalka ayaa lagu ammaanay shaqada wanaagsan ee uu hayo, iyadoo ay ka howlgalaan saraakiil iyo shaqaale caafimaad oo si hufan uga soo baxay waajibaadkooda.
Taliyaha ayaa ugu dambeyn ku dhiirrigeliyey ciidamada in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay sii wadaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.