Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ganboole oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid si gaar ah loo beegsaday goobaha ay tuhunsan yihiin in ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo mararka qaar carqaladeeya amniga iyo xasilloonida deegaanka. Ciidamada Danab ayaa dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay gudaha iyo hareeraha deegaanka Ganboole, iyagoo adkeynaya ammaanka guud ee shacabka.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo ka mid ah qorshaha lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda nabadda, isla markaana lagu xaqiijinayo in deegaanada Gobolka Shabeellada Dhexe ay helaan amni waara.
Sidoo kale, ciidamada ayaa ku boorriyay shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni darrada.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen dadaallada amni sugidda iyo la dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada ee ka howlgala qaybo ka mid ah gobollada dalka.