Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Dib ugu Soo Laabtay Baydhabo Kadib Safar Shaqo oo Muqdisho Ah

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Hoggaamiyaha ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana soo dhoweynta ka qeyb galay Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaano, maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, saraakiisha hay’adaha amniga, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale safiirrada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargelinta mashaariicda horumarineed, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa kulamada lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee gobolka.

Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo xiriirka dowladda federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo horumariyo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.