Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socdeen tababarrada iyo bandhigyada ay wadaan Kooxda Hobollada Qaranka ee Waabari, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo munaasabadaha maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka.
Kormeerka Wasiirka ayaa ku wajahnaa u kuurgelidda heerka diyaarinta heesaha iyo bandhigyada faneed ee lagu xusayo toddobaadka xorriyadda, iyadoo Hobollada Waabari ay wadaan dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo in munaasabadaha qaran ay u dhacaan si habsami leh oo ka turjumaya qiimaha taariikhiga ah ee maalmahaas.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay wadaan fannaaniinta, abwaannada iyo farsamayaqaannada ku hawlan diyaarinta barnaamijyada wacyigelinta iyo heesaha waddaniyadda. Waxa uu ku dhiirrigeliyey inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda ku aaddan kor u qaadista dhaqanka Soomaaliyeed iyo xusuusinta halgankii dheeraa ee loo soo maray helitaanka xorriyadda iyo midnimada dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in fanka iyo dhaqanku ay door muuqda ka ciyaaraan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan jiilka cusub, si loo xoojiyo jacaylka dalka, midnimada iyo ilaalinta taariikhda qaranka.