Maamulka Waqooyi Galbeed ee Somaliland ayaa shaaciyay in sababo la xiriira amniga awgood deegaannadaasi laga saarayo dhammaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan, iyagoo u qabtay muddo 10 maalmood ah oo ay uga baxaan.
Qoraal ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga guud iyo nidaamka sharciga, isla markaana lagu hubinayo in dhammaan dadka ku sugan deegaannadaasi ay haystaan oggolaansho iyo sharci sax ah.
Sidoo kale, maamulka ayaa tilmaamay in dadka amarka lagu dabaqayo ay ku jiraan qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan dukumiintiyada sharciga ah ee degenaanshaha, kuwaas oo sidoo kale laga doonayo inay saxaan xaaladooda sharci ama ay ka baxaan deegaannada lagu amray.
Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ugu baaqay dadka ay khuseyso inay u hoggaansamaan amarka, si looga fogaado tallaabooyin dheeraad ah oo sharci ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in amniga iyo kala dambeynta ay yihiin mudnaanta koowaad.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka uu kordhiyay dadaallada lagu adkeynayo amniga iyo xakameynta socdaalka aan sharciyeysneyn ee gudaha deegaannadiisa.