Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socday Qaramada Midoobay

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo u yimid sidii ay ula yeelan lahaayeen Dowladda Koonfur Galbeed wada-tashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh, waxaana ku weheliyay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Morgan Dube. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Intii uu socday kulanka, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadeed ee Dowladda Koonfur Galbeed, dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha dowladnimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday baahida loo qabo in la sii adkeeyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo kuwa lagu xoojinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Koonfur Galbeed ku bixineyso xoojinta hay’adaha dowliga ah, horumarinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista nabadda iyo xasilloonida. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta maamulka iyo hay’adaha dowladda, nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhankiisa, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan iyo Dowladda Koonfur Galbeed gaar ahaan. Wuxuu xusay in iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay uu yahay mid muhiim u ah xaqiijinta himilooyinka la xiriira nabadda, dowlad-dhisidda iyo horumarka bulshada.

Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu gaarsiinayo shacabka adeegyo tayo leh, loo xoojiyo amniga, loona abuuro jawi siyaasadeed oo xasiloon oo horseeda horumar waara.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay ay ku xoojinayaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac, si loo xaqiijiyo yoolalka la xiriira nabadda, dowlad-dhisidda iyo horumarinta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.