Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka muujisay walaac iyo murugo colaadda ka taagan deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu cambaareeyay falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah, iyadoo Wasaaraddu ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn loo joojiyo colaadda iyo dhammaan falalka horseedi kara sii hurinta xiisadaha ka jira deegaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku boorrisay dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasilloonida bulshada, si looga fogaado khasaarooyin dheeraad ah oo ka dhasha colaadda.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door firfircoon ka qaataan dejinta xiisadda taagan, xoojinta wada hadallada iyo raadinta xal nabadeed oo waara, si looga hortago in colaaddan ay sii fido oo ay saameyn ballaaran ku yeelato shacabka deegaanka.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada iyo ka shaqeynta nabadda, iyadoo xustay in xal kasta oo waara uu ku imaan karo wada hadal, is-afgarad iyo ka fogaanshaha colaadaha soo noqnoqda.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle SWT uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadan murugada leh, dhaawacyadana uu caafimaad degdeg ah siiyo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna uu ka dulqaado xaaladda adag ee ay wajahayaan.