Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
General Tuuryare ayaa Wasiirka Gaashaandhigga siiyay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta howlaha iyo mashaariicda Isbaheysiga IMCTC ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale Wasiirka la wadaagay qorshayaasha mashaariic cusub oo lagu wado in dalka laga fuliyo sanadkan, iyo wufuud heer sare ah oo ka socota Isbaheysiga oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa soo dhoweeyay warbixintaas, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lala yeesho saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, loona horumariyo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Sare ee diyaarinta Istiraatiijiyadda dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, Taliyaha Xarunta Howlgallada Wadajirka ah.
Kulankaas ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iyo tayeynta qorshayaasha dhismaha ciidanka, horumarinta istiraatiijiyadda guud ee amniga dalka, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha amni ee dalka.
Ugu dambeyn, dhinacyada kulmay ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, si loo xaqiijiyo amni waara iyo la-dagaallanka argagixisada ee ka socda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.