Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoo halkaasi u tegay diyaarinta iyo soo dhoweynta booqashada Ra’iisul Wasaaraha.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo iskaashi la sameynaya maamulka Galmudug si loo xaqiijiyo habsami u socodka socdaalka iyo kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yeelan doono magaalada Dhuusamareeb.
Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha iyo xarumaha maamulka ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, iyadoo la guda galay qabanqaabada la xiriirta booqashada la filayo inuu dhawaan magaalada ku tago Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inay la xiriirto arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, dardargelinta howlaha amniga, dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah, iyo dedejinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Galmudug.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojinayso dadaallada ku aaddan sugidda amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda dalka.