Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo Muqdisho Ku Soo Dhaweysay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Austria

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ), Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Austria, Mudane Gernot Maier, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hay’adda Socdaalka Austria, iyadoo laga wada hadlay horumarinta adeegyada socdaalka, maamulka xuduudaha iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo waaya-aragnimada labada dhinac.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada hay’adood, isagoo xusay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ay ku jirto geeddi-socod dib-u-habeyn iyo casriyeyn ballaaran oo lagu tayeynayo adeegyada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaallada dib-u-habeynta iyo casriyeynta hay’addu ay u baahan yihiin iskaashi iyo taageero caalami ah, si loo xoojiyo maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka, loona waafajiyo adeegyada socdaalka heerarka caalamiga ah.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Austria, Mudane Gernot Maier, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran iyo fursadda ay u heleen wada-shaqeynta labada hay’adood. Waxa uu muujiyay sida Dowladda Austria ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha socdaalka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo horumariyo adeegyada socdaalka iyo maamulka xuduudaha, loona xoojiyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Austria.