Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya Ooo Soo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb, oo ah xarunta maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku sugnaado magaalada, isaga oo kulammo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Markii uu gaaray Dhuusamareeb, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo maamulka Galmudug, kuwaas oo muujiyay muhiimadda ay leedahay booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

Safarkan shaqo ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa salka ku haya xoojinta geeddi-socodka dowlad-dhiska, kor u qaadidda wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo dardargelinta arrimaha horumarinta iyo amniga. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, wuxuu la yeelan doonaa kulammo kala duwan hoggaanka Galmudug, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo xoojiyo wada-tashiga iyo ka qeybgalka bulshada ee horumarinta dalka.

Sidoo kale, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha nabadgelyada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii loo adkeyn lahaa dowladnimada iyo iskaashiga heerarka kala duwan ee maamulka dalka, waxaana safarkan uu qeyb ka yahay qorshayaasha lagu xoojinayo wadajirka iyo horumarka Soomaaliya.