Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada oo Warbixin ka Dhageystay Laamaha Amniga

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo sugidda amniga ka dhageystay laamaha kala duwan ee amniga dalka, kaddib kulan uu guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya sugidda amniga dalka ayaa xubnaha guddiga la wadaagay warbixin la xiriirta heerka diyaar-garowga iyo qabanqaabada munaasabadaha lagu xusayo maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, gaar ahaan amniga goobaha loo asteeyay in lagu qabto dabaaldegyada iyo munaasabadaha kala duwan.

Xubnaha Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada joogtada ah iyo howlaha wax ku oolka ah ee ay hayaan laamaha amniga dalka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida xilliyada dabaaldegyada qaran.

Kulanka oo ka qabsoomay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay qeybaha kala duwan ee ciidamada amniga dalka.