Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo Bilowday Wajiga Labaad ee Mashruuca Kobcinta Maareynta Xuduudaha

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ), Hay’adda Socdaalka Switzerland (SEM) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho uga daah-furay mashruuca “Kobcinta Awoodaha Maareynta Xuduudaha Soomaaliya ee Horumarinta Amniga Qaranka – Wajiga II”, kaas oo loogu talagalay xoojinta awoodaha Soomaaliya ee maareynta xuduudaha, kor u qaadista amniga iyo horumarinta nidaamyada maamulka socdaalka.

Munaasabadda daah-furka ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana ka qayb galay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Switzerland (SEM), Danjire Hendrick Krauskopf, masuuliyiin ka socotay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo madax kale oo ka tirsan HSJ.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in mashruucani uu door weyn ka qaadan doono horumarinta maamulka xuduudaha iyo tayeynta kaabayaasha adeeg bixinta, gaar ahaan dib-u-dhiska Xarunta Dhexe ee Baasaboor Bixinta ee Muqdisho.

Dhankooda, madaxda Hay’adda Socdaalka Switzerland (SEM) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyaga oo bogaadiyay horumarka ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habaynta hay’adda, casriyeynta adeegyada iyo xoojinta maamulka socdaalka.

Mashruucan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha dowladda ee la xiriira maareynta xuduudaha iyo socdaalka, iyadoo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.