Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Ku Dhawaaqday Fasax Rasmi ah Munaasabadda 26-ka Juun Awgeed

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 26-ka Juun, oo ah Maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay xustay muhiimadda maalintan taariikhiga ah, oo astaan u ah halgankii gobollada waqooyi ku gaareen xorriyadda 26-kii Juun 1960, taasoo ahayd tallaabo muhiim ah oo horseeday midowgii iyo dhismahii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Iyadoo la raacayo wareegto rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa la ogeysiinayaa dhammaan hay’adaha dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO-yada) iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in Sabtida, 27-ka Juun 2026, ay noqon doonto maalin fasax rasmi ah. Go’aankan ayaa yimid maadaama munaasabadda 26-ka Juun sanadkan ay ku beegan tahay maalinta Jimcaha, oo ah maalin fasax toddobaadle ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan hay’adaha iyo bulshada inay u hoggaansamaan fasaxa la shaaciyay, isla markaana ay si sharaf leh ugu dabaaldegaan munaasabaddan qaran ee xusuusta mudan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay hambalyo ku aaddan sanad-guurada xorriyadda Gobollada Waqooyi, iyadoo u rajeysay nabad, horumar iyo midnimo waarta. Waxaa sidoo kale la xusay in maalmaha qaran ay yihiin fursad lagu xoojiyo dareenka waddaninimada iyo qiimeynta halgankii loo soo maray xorriyadda dalka.