Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta fagaaraha Daljirka Daahsoon kula dabaaldegay boqolaal arday oo ka qalin-jebinaya dugsiyada sare, kuwaas oo maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12-aad.
Ardayda oo muujinayay farxad iyo reyn-reyn ayaa isugu yimid fagaaraha Daljirka Daahsoon si ay u xusaan dhammaadka marxalad muhiim ah oo ka mid ah waxbarashadooda. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi kula wadaagay dareenka farxadda, isagoo hambalyo iyo dhiirrigelin u jeediyay ardayda Soomaaliyeed ee soo dhammaystay imtixaanka.
Taliyaha ayaa ku bogaadiyay ardayda dadaalka, dulqaadka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada iyo diyaarinta imtixaanka, isaga oo sheegay in dhallinyarada waxbartay ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo mustaqbalka dalka. Waxa uu xusay in guusha ay maanta gaareen ardaydu ay tahay mid ka dhalatay dadaal joogto ah oo ay sameeyeen ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta.
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale ugu baaqay ardayda in ay sii wadaan waxbarashadooda heerarka sare, kana faa’iideystaan fursadaha aqooneed ee horyaalla, si ay mustaqbalka uga qayb qaataan horumarinta dalka iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.
Dhanka kale, ardayda ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan dhammaadka imtixaanka, iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo afjaraan marxalad muhiim ah oo waxbarashadooda ka mid ahayd. Qaar ka mid ah ardayda ayaa tilmaamay in ay hadda sugayaan natiijada imtixaanka, halka kuwo kalena ay durba qorsheynayaan tallaabooyinka xiga ee waxbarashadooda.
Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad leh, iyadoo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ardayda la wadaagay hambalyada iyo dhiirrigelinta ku aaddan guusha ay gaareen, una rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo in ay noqdaan jiil aqoon iyo karti ku hoggaamiya Soomaaliya.