Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Oo Magacowday Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa si rasmi ah u magacowday Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, tallaabo lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka horumarinta dalka iyo go’aan qaadashada.

Golahan cusub ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta xuquuqda haweenka, kor u qaadista matalaaddooda, iyo ka shaqeynta arrimaha la xiriira horumarka bulshada, nabadeynta iyo awood-siinta haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabadda magacaabista ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed uu noqon doono madal mideysa codka haweenka Soomaaliyeed, isla markaana gacan ka geysan doonta dhiirrigelinta kaalinta haweenku ku leeyihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka guud ee dalka.

Waxay sidoo kale ku boorrisay xubnaha la magacaabay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, kana shaqeeyaan danaha haweenka Soomaaliyeed iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Magacaabista Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo sinnaanta jinsiga, korna loogu qaadayo ka qaybgalka haweenka ee hay’adaha dowladda iyo arrimaha bulshada.