Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaas oo uu u tagay inuu dhexxaadiyo kulanka kama dambaysta ah ee horyaalka dalkaas.
Cartan ayaa la filayaa inuu garsoore ka noqdo ciyaarta final-ka ee u dhexeysa Kuwait SC iyo Al-Qadsia, taas oo la qorsheeyay inay dhacdo 29-ka Juun 2026. Magacaabistiisa kulankan muhiimka ah ayaa muujinaysa kalsoonida ay hay’adaha kubadda cagta gobolka iyo kuwa caalamkuba ku qabaan kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa garsoornimo.
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sannadihii u dambeeyay si joogto ah u maamulayay kulamo heer caalami ah oo ay soo magacaabeen xiriirrada kubadda cagta ee qaaradda iyo kuwa caalamka, isagoo ka mid noqday garsoorayaasha Soomaaliyeed ee sumcad wanaagsan ku yeeshay fagaaraha caalamiga ah.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale la qorsheeyay in Cartan uu bisha Agoosto garsooro kulan saaxiibtinimo oo la sheegay inuu dhex mari doono Paris Saint-Germain iyo Aston Villa F.C., sida lagu sheegay war kasoo baxay UEFA>.
Haddii uu kulankaasi u qabsoomo sida loo qorsheeyay, waxay noqon doontaa guul kale oo taariikhi ah oo uu gaaro Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, isla markaana sare u qaadaysa magaca garsoorka Soomaaliyeed ee fagaaraha kubadda cagta caalamka.